Kal-fadhiga 4-aad ee aqalka sare oo maanta furmaya

0
319

Waxaa abaare 2:30 daqiiqo ee galabnimo ee maanta furmi doono kal-fadhiga Afaraad ee aqalka sare ee dalka.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib nasasho dheer oo senatarrada u billaabatay horraantii bishii 12-aad ee sanadkii 2024-kii.
Kulanka ayaa lagu eegi doonaa waxyaabihii senatarrada u qabsoomay fadhiyadii hore iyo caqabadihii jiray iyagoo dhanka kale u diyaar garoobaya howlaha xeer dejinta ee u yaalla.
Karaaniga aqalka sare ee dalka Jeremiah Nyegenye ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kal-fadhigii ugu dambeeyay ay soo baxeen doodo ku aaddan baahida loo qabo in la adkeeyo amniga goobtaasi ka dib weerarkii 25-kii bishii 6-aad ee sanadkii hore ay dibadbaxayaal ku bartilmaameedsadeen baarlamaanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in senate-ka uu muujiyay awooddiisa dastuuriga ah ka dib markii uu ku gacan seyray xil ka qaadistii barasaabka ismaamulka Kericho Dr. Erick Mutai.
Nyegenye ayaa sidoo kale tallaabo taariikhi ahayd ku tilmaamay xil ka qaadistii madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua.
Karaaniga ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dadweynaha laga qayb geliyo geeddisocodka xeer dejinta tani oo uu ku micneeyay mid gun-dhig u ah maamulka dimuqraadiga iyo go’aan qaadashada ku saleysan daah furnaanta.
Waxaa uu senatarrada ugu baaqay in iyadoo ay dalka ka jirta xiisad siyaasadeed in ay diiradda saaraan taageeridda geeddisocodka xeer dejinta.
Ajeendayaasha aqalka sare waxaa ka mid ah in dib loo habeeyo guddiyada kala duwan sida guddi hoosaadka senate-ka.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ee dalka ahna senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot ayaa sheegay in ay mudnaan siin doonaan arrimo muhiim ah oo ku saabsan maaliyadda iyo xeer dejinta waxaana ka mid ah ansixinta xeerka miisaaniyadeed ee sanadkan, hindise sharciyeedka qaybsashada dakhliga qaran, hindisaha ismaamullada dalka loogu qoondeynaya dhaqaale dheeraad ah iyo arrimo kale.