Raila oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu ku guulaysan doono xilka AUC-da

0
359

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa muujiyay kalsooni ah inuu ku guulaysan doono xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da ee uu u tartamaya.
Waxaa uu qorshuhu yahay in codeynta ay qabsoonto Sabtida nagu soo aaddan ee 15-ka bishan Labaad.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in kastoo uu guul rajeynaya , haddii aynan suurtagelin inuu sii wadi doono u adeegidda dalkiisa.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in haddii uu ku soo baxo codeynta uu ka dhabeyn doono ballanqaadyadii uu u sameeyay shacabka qaaradda Afrika.
Mr. Odinga ayaa caddeeyay in tartanka uu ka qayb galaya uunan ahayn geeri iyo noolol.

Hadalkan ayuu Raila ka jeediyay munaasabad loogu duceynayay oo ay haweenka ka tirsan xisbiga ODM ku qabteen xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Waxaa xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da Raila kula tartamaya Maxamuud Cali Youssouf oo ka soo jeeda dalka Jabuuti iyo Richard Randriamandrato oo matalaya dowladda Madagascar.