Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in ciidamadeeda ay diyaar u yihiin aargoosi

0
95

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ciidamadeeda militariga ay diyaar u yihiin in ay qaadaan tallaabo kasta oo aargoosi ah oo loo baahdo.
Tani ayaa timid ka dib markii markab ah nooca biyaha quusa oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Maraykanka gaar ahaan kuwa fuliya weerarrada deddegga ee nukliyeerka uu ku soo xirtay magaalada Busan ee ka tirsan Kuuriyada Koonfureed.
Wakaaladda wararka ee KCNA ee Kuuriyada Waqooyi oo soo xiganaysa wasaaradda difaaca ee dalkaasi ayaa qortay in markabkaasi uu caddeyn u yahay in Maraykanka uu daandaansi wado.
Waxay intaasi ku dartay in Maraykanka uu khatar ku yahay amnigeeda qaran.
Dhanka kale wasaaradda gaashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in markabka Maraykanka ee USS Alexandria uu shalay soo gaaray dekadda magaalada Busan si shaqaalihiisa ay halkaasi ugu nastaan.
Tani ayaa ciidamada badda ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed fursad u siin doonta in ay xogaha iswaydaarsadaan oo ayna dejiyaan qaab difaac oo ay ka mideysan yihiin.
Axaddii ayay ahayd markii Kuuriyada Waqooyi ay ka digtay cawaaqib xumo ka dib markii ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kuuriyada Koonfureed ay dhuullo-tus is-xig xigay ay ka sameeyeen meel masaafo dhan 25.7 kiilomitir u jirta xadka xukuumadda Pyongyang.