Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in dib u dhaca ku yimid howlgelinta caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA uu yahay mid la xiriira gaabad dhaqaale oo ay wajahaysa.
Waxay sheegtay in keliya 4 milyan oo ka mid ah 18 milyan oo qof oo caymiskan isku diiwaangeliyay ay si firfircoon lacago ugu biirinayaan nidaamkan.
Waxaa sidatan sheegay xoghayaha waaxda adeegyada caafimaadka Harry Kimutai .
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka aan si joogto ah u bixin lacagaha caymiska caafimaadka ee SHA ay yihiin kuwo aan ka shaqeyn waaxyaha rasmiga ah.
Kimutai ayaa sheegay in boqolkiiba 30 ee kenyaanka ay ku tiirsan yihiin qarashaadka caymiska caafimaad ee ay dowladdu yareysay.
Hasa ahaate, waxaa uu xusay in si caqabaddan loola tacaalo in wasaaradda caafimaadka ay ka shaqeynaysa sidii loo heli lahaa hannaan waara.