Ecuador oo lagu wado inuu ka qabsoomo wareegga labaad ee codeynta

0
298

Waxaa lagu wadaa in dalka Ecuador lagu qabto wareegga labaad ee codeynta ee doorashada guud.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha xilka haya Daniel Noboa iyo Luisa Gonzalez oo wada tartamaya aynan soo hooyin aqlabiyadda codadka la dhiibtay.
Golaha qaran ee doorashooyinka dalka Ecuador ee (CNE) ayaa sheegay in la tiriyay boqolkiiba 80 ee codadka doorashadii shalay qabsoontay.
Daniel Noboa ayaa ilaa iyo hadda helay boqolkiiba 44.4 ee codadka halka Gonzalez ay heshay codad dhan 44.1 boqolkiiba.
Waxaa tartanka madaxtinnimo qayb ka ah 14 musharraxiin oo kale.