Senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay in go’aanka madaxweynaha ee meesha looga saaray turxaan bixintii dheerayd ay tahay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka cadaaladda iyo sinnaanta.
Waxaa uu xusay in arrintan awgeed ay sanado badan qaar ka mid ah shacabka gobolka Waqooyi Bari fursado ku waayeen.
Waxaa uu sheegay in go’aanka madaxweynaha uunan ka dhignayn in aqoonsiga qaran ee dalka loo bixin doono si aan ka fiirsasho lahayn.
Cali Roba ayaa qoraal ku xusay in tani ay micnaheedu tahay in dhammaan kenyaanka ay aqoonsiga qaran ku heli doonaan geeddisocod laga wada siman yahay oo aan kuwa qaar lagu takoorin.
Waxaa uu intaasi ku daray in muddo dheer dadweynaha ku nool Waqooyiga Kenya ay wajahayeen dib u dhac iyo su’aallo waydiin badan si ay aqoonsi u helaan iyadoo kenyaanka kale ay howshan u fududeyd.
Senatar Cali Ibraahim Roba ayaa su’aal geliyay sababta uu qof uga soo horjeedsanaya ama ay u dhibaysa in shakhsi kale uu cadaalad helo.
Waxaa uu tilmaamay in cid kasta oo aaminsan midnimada qaranka laga doonaya in ay arrintan soo dhaweyso .
Senatarka ismaamulka Mandera waxaa uu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay in madaxweyne William Ruto uu qaaday tallaabo sax ah oo ka dhigan in kenyaanka si siman loola macaamilo taariikhdana ay xusi doonto go’aankan.
Sidoo kale wasiirka wasaaradda deegaanka , kaymaha iyo isbeddelka cimillada ee dalka Aadan Barre Ducaale , senatarkii hore ee Mandera Billow Kerow iyo xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah oo qoraallo soo saaray ayaa sheegay in kenyaanka ay leeyihiin xuquuq siman oo dastuuri ah sidaasi awgeedna aan qaar ka mid ah lagu takoori karin halka ay ka soo jeedaan mise sinjigooda.
Mr. Kimani Ichung’wah ayaa sheegay in dadka arrintan ka soo horjeeda ay yihiin kuwo doonaya in ay kenyaanka ku kala qaybiyaan qaab qabyaaladeysan taasina xilligeedi laga soo gudbay.
Waxaa uu bulshada soomaaliyeed u sheegay in ay garab taagan yihiin oo ay ka shaqeynayaan sidii dhammaan kenyaanka ay si siman uga wada faa’iidaysan lahaayeen xuquuqda dastuuriga ah.
Kimani ayaa xusay in dowladda iyo madaxweynaha ay ku qasban yihiin in ay u hoggaansamaan xeerarka degsan iyo tixgelinta xuquuqda siman ee shacabka.
Dhanka kale ,mid ka mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa ayaa ka falceliyay hadal uu dhawaan jeediyay barasaabka ismaamulka Trans Nzoia George Natembeya isagoo ugu baaqay inuu raalligelin bixiyo.