Dadka ku nool degmada mlolongo ee ismaamulka Machakos ayaa walaac isa soo taraya ka muujiyay badqabkooda oo ku aaddan buundada ay ka gudbaan mootooyinka iyo waratada taasi oo abuurtay jahawareer iyo fowdo.
Ujeedkii loo dhisay buundada ayaa ahaa in ay noqoto marin badbaado leh oo ay maraan dadka lugeynaya balse hadda waxay isu beddeshay meel halis ah, oo khatar gelinaysa nolosha sidoo kalena dhiirrigelinaysa in tuugada mooto bajaajta ay dadweynaha ka dhacaan alaabahooda .
Sida ay sheegeen bulshada isticmaalo buundadaasi, dadka naafada ah ayaa ah kuwa ugu nugul, kuwaasi oo ku dhibtoonaya inay maraan buundada khatarta ah.
Waxaa ay ka codsadeen dowladda dhexe iyo tan hoose ee ismaamulka Machakos in ay sharciga la tiigsadaan howl-wadeenada mootooleeyda ee isticmaalo buundadaasi.