EACC oo xirtay barasaabka ismaamulka Bomet

0
309

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maanta xabsiga u taxaabay guddoomiyaha ismaamulka Bomet Hillary Barchok.
Afhayeenka EACC Eric Ngumbi, ayaa sheegay in barasaabka uu wajahaya eedeymo musuqmasuq .
Dambi baarayaasha guddiga ayaa dabagal ku haya dhismooyin dhowr ah oo lala xiriiriyay Barchok.
Ngumbi ayaa intaasi ku daray in guddoomiyaha la geyn doono xarunta dhexe ee EACC ee Koonfurta gobolka Rift Valley ee Nakuru si su’aallo dheeraad ah loo waydiiyo oo uu farriin u qoro.
Afhayeenka ayaa xusay in guddiga ay ka go’an tahay cirib tirka musuqmaasuqa ka dhex jiro dhammaan heerarka dowladda.
Hillary Barchok oo saaka laga qabtay hooygiisa rasmiga ah ee Bomet ayaa loo haystaa lunsashada lacagaha ismaamulka uu hoggaamiyo iyo daneysi uu si gaar ah uga macaashay.
Bishii 11-aad ee sanadkii 2024-kii ayay ahayd markii xeer dejiyaasha Bomet ay guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ay ka codsadeen inuu baaritaan ku sameeyo eedeymaha ku aaddan ku tagriifalka kheyraadka dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu guddiga EACC xilligaasi baaritaan ku hayay 8 ka mid ah saraakiisha ismaamulka Bomet oo lagu tuhmay in ay lunsadeen lacag dhan 1.5 bilyan oo shilin.
EACC ayaa bartilmaameedsanaysay wasiirro , madax waaxeedka iyo saraakiisha sare ee ismaamulkaasi oo lagu eedeyay lunsasho dhaqaale ka dib markii ay si khiyaano ah lacago u siiyeen shirkado la sheegay in ay leeyihiin qaar ka mid ah saraakiisha Bomet oo aan magacyadoodu la shaacin.