Kalonzo Musyoka oo sheegay inuu 2027 u tartami doono xilka madaxtinnimo

0
362

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa xaqiijiyay in xilliga doorashada guud ee sanadka 2027-da uu u tartami doono jagada madaxweynennimo.
Xilli uu wareysi siinayay idaacadaha Mulembe, Sulwe iyo Vuuka ee afkooda hooyo wax ugu tabiya bulshooyinka ku nool galbeedka dalka ayuu Musyoka sheegay in la gaaray waqtigii isaga garab lagu siin lahaa hoggaanka qaranka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu muddo 15 sano ah taageerayay Raila Odinga oo uu hadda go’aansaday in uunan ka tanaasulin mowqifkiisa ku aaddan u tartamidda madaxtinnimo.