Madaxweynaha dalka oo maanta shir ku guddoomin doono Garissa

0
84

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta socdaal ku tagaya ismaamulka Garissa.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu halkaasi ku guddoomiyo shirka golaha wasiirrada.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in madaxweynaha uu dib u furo xafiiska laanta socdaalka ee Garissa si ay ugu adeegto shacabka gobolka.
Ruto oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa ismaamullada Mandera iyo Wajeer ayaa fulinaya mashaariic horumarineed oo kala duwan.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa kormeeraya halka ay marayaan barnaamijyada horumarineed ee dowladda dhexe iyo kuwa ay gacanta ku hayaan ismaamullada.
Waxyaabaha uu madaxweynaha hoosta ka xarriiqay in bulshada gobolka Waqooyi Bari laga haqab tiri doono waxaa ka mid ah caafimaadka, waxbarashada , amniga , waddooyinka , wax soo saarka iyo arrimo kale.
Shalay ayay ahayd markii uu saxiixay amar meesha ka saaraya turxaan bixintii dheerayd ee la marin jiray dadweynaha gobolka marka ay codsanayaan aqoonsiga qaran iyo baasaboorka.