Senatarrada oo ka cabanaya gaabad dhaqaale

0
79

Aqalka sare ee dalka ayaa walaac ka muujiyay gaabad dhaqaale oo saameyn ku yeeshay howlaha senatarrada.
Senatarrada ayaa dowladda dhexe ku eedeyay in ay si ula kac ah u siin miisaaniyad ku filan.
Waxay wacad ku mareen in ay arrintan uga falcelin doonaan in aynan ansixin hindise sharciyeedyada aqalka sare ee waddanka laga doonaya inuu meel mariyo.
Ku xigeenka madaxa senatarrada laga tirada badan yahay ee aqalka sare Enoch Wambua ayaa sheegay in caqabadda ay wajahayaan awgeed ay dantu ku qasabtay in ay isticmaalaan lacagahooda.
Senetarka ismaamulka Kitu ayaa dhanka kale guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC ku eedeyay inuu la safanaya golaha qaran ee xeer dejinta.
Arrintan ayuu ka sheegay shir ay ku yeesheen magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu eedeyn u jeediyay guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi oo uu sheegay in uunan daacad ka ahayn u ololeynta dhibaatooyinka dhaqaale ee ay wajahayaan in kastoo uu Kingi dhaliishaasi iska fogeeyay.