Mudavadi oo sheegay in Kenya aynan saameyn ka soo gaarin dhaqaalaha uu Maraykanka ka jaray Haiti

0
75

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in howlgalka nabad sugidda ee dalka Haiti ee ay Kenya hoggaaminaysa aynan wax saameyn ah soo gaarin doonin.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda Maraykanka ay xannibtay dhaqaalihii ay ugu deeqaysay sanduuqa nabadsugidda ee qaramada midoobay.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa horay u sheegtay in ay heshay wargelin uga timid Maraykanka taasi oo la xiriirta in ay si degdeg ah u joojiso qiyaastii 1.7 bilyan oo shilin oo ay ku bixinaysay howlgalka amni ee Haiti ee MSS.
Musalia Mudavadi ayaa carrabka ku adkeeyay in howlgalkaasi uu sii soconaya.
Waxaa uu sheegay in howshaasi ay tahay mid ay dalal badan qayb ka yihiin oo aan ku xirnayn go’aanka hal dowlad keliya.
Go’aanka uu Maraykanka ku joojiyay taageeradii amni ee Haiti waxaa shaaciyay afhayeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ,Stéphane Dujarric.
Waxaa hadda Haiti ku sugan ilaa 900 oo sarkaal oo ah booliis iyo militari kuwaasi oo ka kala yimid waddamada Kenya, El Salvador, Jamaica, Guatemala iyo Belize.