Maamulka jaamacadda dowliga ah ee TUK ayaa shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu wada hadallo la yeesho barayaasha si waxbarashada ay u sii socoto.
Tani ayaa timid ka dib markii ay barayaasha jaamacadda shaqo joojin ku dhaqaaqeen iyagoo ka cabanaya mushaaraad aan weli la siin.
Hasa ahaate, maamule ku xigeenka jaamacadda Prof. Benedict Mutua ayaa sheegay in ururka ay ku mideysan yihiin ardayda jaamacadaha ee Kenya ee (KUSO) iyo Midowga barayaasha jaamacadaha ee (UASU) ay ka wada shaqeynayaan xallinta tabashooyinka jira.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maadaama jaamacadda la xiray , marka dib loo furo in ardayda ay labo toddobaad dib u daraaseyn doonaan casharrada ka hor inta aynan u fariisan imtixaannada kama dambeyska ah.
Waxaa uu Prof. Mutua xusay in ay ka go’an tahay wada xaajood kala dhexeeya shaqaalaha iyo ardayda si loo soo afjaro ismari waaga iyo walaaca jira.
Maamule ku xigeenka ayaa ardayda ku boorriyay in ay deeganaansho muujiyaan inta xaaladda laga xallinaya.
Home Wararka Kenya Maamulka jaamacadda TUK oo doonaya inuu la heshiiyo barayaasha shaqo joojinta ku...