Netanyahu oo Trump ku taageeray go’aan si wayn looga soo horjeestay

0
80

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa warbaahinta Fox News u sheegay inuu soo dhaweynaya hadalkii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa in uu qorsheynaya inuu maamulo Marinka Qaza ka dib marka halkaasi laga barakiciyo Falastiiniyiinta ku nool.
Waxaa dhanka kale arrintan si wayn uga soo horjeestay Falastiiniyiinta.
Waxay wacad ku mareen in aynan ka bixi doonin Marinka Qaza wax kasta oo dhaca.
Wakiilka Israa’iil ku matalo qaramada midoobay Danny Danon ayaa sheegay in ay garab istaag u muujin doonaan Maraykanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in aynan ka qayb geli doonin fadhiyada golaha qaramada midoobay ee xuquuqul aadanaha.
Tani ayaa timid hal maalin un ka dib markii Donald Trump uu ku hanjabay inuu Maraykanka iskaga baxaya golahan oo uu fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Dhanka kale , xoghayaha gaashaandhigga ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa xusay in ay diyaar u yihiin adeegsiga siyaabaha bannaan ee arrimaha Qaza.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in Israa’iil ay gudaha Qaza ku dishay ugu yaraan 47,552 qof halka ay dhaawacday 111,629 kale laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii.