5 qof oo loo xiray in ay fadeexad dahab ganacsato uga dhaceen 120,000 oo doollar

0
151

Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa gacanta ku dhigay shan tuhmaneyaal oo lala xiriirinayo fadeexad dahab ah oo lagu khiyaanay laba nin oo ganacsato ajaanib ah.
Ganacsatadan oo u dhashay dalalka Romania iyo Switzerland ayaa lumiyay lacag dhan 120,000 oo doollarka Mareykanka oo qiyaastii dhan 15.5 milyan oo shilin.
Waaxda dambi baarista waddanka ee (DCI) ayaa aqoonsatay hoggaamiyaha kooxda inuu yahay Lamarca J. Benjamin sidoo kale loo yaqaano Morlon Jean Emmanuel, kaas oo la sheegay in uu yahay madaxa fulinta ee shirkadda AFREX Bridge Connections Ltd.
Eedeysanayaasha kale ee ku lug lahaa qorshahan ayaa kala ah Samson Kibet Sirkoi, Lucy Gitonga, Rose Kambua, iyo Justine Adhiambo.
Booliiska ayaa sheegay in cabashada ka dhanka ah dadkan laga gudbiyay saldhigga booliiska ee garoonka diyaaradaha ee Wilson 29-kii bishii hore ee Janaayo.
Sida laga soo xigtay DCI-da, dadka cawday ayaa waxaa u yimid dhexdhexaadiye kaasoo ku wargeliyay in Lamarca uu iibinaya 550 kiilogaraam oo dahab ah.
Dahabkan ayaa la sheegay in lagu keydiyay bakhaar ku yaalla garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee (JKIA) ee magaalada Nairobi waxaana la sugayay fasaxa gaadiidka 20-ka Janaayo 2025, ka dib marka la bixiyo 120,000 oo doollarka Mareykanka.
Baaritaanka ka dib, dambi baarayaasha ayaa weeraray xafiisyada AFREX Bridge Connections Ltd. iyagoo aruuriyay caddeymo muhiim ah kadibna xiray Lucy Gitonga iyo Rose Kambua.
31-dii Janaayo ,Samson Kibet Sirkoi oo 34 sano jir ah ayaa sidoo kale xabsiga la dhigay.
2-da bishan February, saraakiisha ayaa weerar ku qaaday guri ku yaallo xaafadda Mount Kenya Wildlife Estate ee deegaanka Nanyuki ee ismaamulka Laikipia halkaas oo ay ku xireen Lamarca iyo Justine Adhiambo.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay labo bastoolad oo nooca Glock ah, 96 xabbo oo rasaas ah, katiinado, Laptop, MacBook iyo lix shati oo macdan ah oo dhacay.
Waxa ay sidoo kale soo furteen gaari lambarkiisa aqoonsiga uu yahay KCW 880M, kaasi oo u horseeday deegaanka Lamarca ee ku yaalla Riverside Pearl ee xaafada Kileleshwa ee magaalada Nairobi.
Hoygan ayaa laga helay alaabo dheeri ah sida 3 xabbadood, 14 bam gacmeedyo ah, jaakadda rasaasta celiso , shaabado iyo tiimbarooyin kala duwan.
Guddiga shatiyada Hubka ayaa tan iyo markaasi xaqiijiyay in Lamarca uusan ahayn qof uu hub u sharciyaysan yahay.
Dhanka kale, Eedeysanayaasha kala ah Lucy Gitonga iyo Rose Kambua ayaa la soo taagay maxkamadda, waxaana baarayaasha ay heleen amarrada loogu sii haynayo xabisga sii lo soo gabagabeeyo baaritaankooda.
Tuhmanayaasha haray ayaa la filayaa in maanta la soo taago maxkamadda.