Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa cambaareeyay afduubkii shalay ismaamulka Mandera loogu gaystay 5 ka mid ah saraakiisha maamulka ee dowladda sare.
Xilli uu cambaareynayay afduubyada ka dhacay gudaha waddanka ayuu hoosta ka xarriiqay in falalkan ay u muuqdaan in ay noqdeen kuwo iska caadi ah.
Waxaa uu dhanka kale beeniyay in bishii 6-aad ee sanadkii hore uu maalgeliyay dhallinyaradii sameeyay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda .
Rigathi ayaa eedeyntaasi ku tilmaamay mid la doonayay in xilka looga xayuubiyo.
Gachagua ayaa dhallinyarada ugu baaqay in ay qaataan kaararka codeynta si ay wax uga beddelaan mustaqbalka hoggaamineed ee qaranka.