Gachagua oo sheegay in loo ballan qaaday 2 bilyan oo shilin si uu isku casilo

0
287

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa ku andacooday in madaxweyne William Ruto uu u soo bandhigay 2 bilyan oo shilin si uu xilkiisa iskaga casilo.
Gachagua ayaa hadalkan jeediyay xilli uu wareysi gaar ah siiyay idaacadaha bulshooyinka ku nool galbeedka dalka kula hadla afkooda hooyo sida Mulembe, Vuuka, iyo Sulwe FM wuxuuna tilmaamay in soo jeedinta ay tahay mid si toos ah uga timid madaxweynaha.
Waxaa uu sidoo kale xusay in xildhibaanada UDA oo xulafada ay horay u ahaayeen ay ku dhiirri galiyeen inuu is casilo si ay fursad ugu abuuraan inuu uga qeyb galo doorashada 2027, balse ugu dambeyntii uu diiday talooyinkooda.

Gachagua ayaa ku dhaleeceeyay dowladda sida ay u aragto daacad darro ku aaddan kiisaska sii kordhaya ee afduubka ee dalka gudihiisa.
Gachagua ayaa sidoo kale dhaleeceeyay qaar ka mid ah hindisayaasha dowladda, isagoo sheegay inaysan ka tarjumayn baahida dadka Kenyaanka ah.
Rigathi Gachagua ayaa shaaca ka qaaday in iska hor imaadkii kala dhaxeeyay madaxweyne Ruto ee ku saabsanaa mashaariic kala duwan uu salka ku hayo khilaafkooda.
Waxaa uu muujiyay sida uu uga soo horjeedo mashruuca guryaha la awoodi karo, culeyska canshuuraha ee Kenyaanka iyo siyaasadaha qaar ee ay keeneen la taliyayaasha dhaqaalaha ee madaxweyne William Ruto.