M23 oo ballan qaadday in ay sii wadi doonto dagaalka

0
439

Kooxda hubaysan ee M23 ee dowladda Rwanda lagu eedeeyay in ay taageerto ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto waxay ay ku tilmaantay socodka xoraynta ila ay ka gaaraan caasimadda dalkaasi DRC ee Kinshasa.
Dagaalyahannadan ayaa horumar dheeraad ah ka sameeyay bariga dalkaasi ee qaniga ku ah macdanta.
Rwanda ayaa sheegtay in waxa ugu horreya ee ay daneynaysa ay tahay sidii ay u ciribtiri lahayd dagaalyahanno xiriir la leh xasuuqii dalkaasi ka dhacay sanadkii 1994-tii balse waxaa lagu eedeeyay inay doonayaan inay ka macaashaan kaydka macdanta gobolka ee loo isticmaalo elektarooniga.
Madaxa isbaheysiga kooxan xubaysan oo ay hoggaamiso M23 Corneille Nangaa ayaa ballan qaaday in kooxda ay soo celin doonto korontadii iyo ammaanka magaalada maalmaha soo socda si ay dib ugu soo laabtaan barakacayaasha.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi uu ballan qaaday inuu sii wadi doono dagaalka isagoo khudbad u jeedinayay qaranka galabnimadii Arbacada.
Waxaa uu sheegay in ay socoto jawaab adag oo isku dubaridan oo ka dhan ah sida uu hadalka u dhigay argagixisadan iyo taageerayaashooda.
Ilo maxalli ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP xilli dambe Arbacadii u sheegay in dagaalyahannada ay qabsadeen laba degmo oo ka tirsan gobolka Koonfurta Kivu.
Ciidamada Congo ayaan wali wax war ah ka soo saarin duullaanka M23.
Dowladda Rwanda ayaa dhankeeda iska fogeysay eedeynta loo jeediyay ee ah in ay garab siiso fallaagada.