Douglas Kanja oo faahfaahin ka bixiyay mayd laga helay wabiga Nairobi

0
462

Adeegga qaran ee booliiska NPS ayaa meesha ka saaray warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta maxaliga ah oo sheegaya in Justus Mutumwa, oo ka mid ahaa dadkii laga afduubtay deegaanka Mlolongo ee ismaamulka Machakos shalay la helay meydkiisa.
Taliyaha guud ee booliiska dalka Douglas Kanja ayaa fiidnimadii xalay caddeeyay in 18-kii bishii Diseembar ee sanadkii tagay saraakiisha booliiska lagu wargeliyay meydka oo dul heehabaayay wabiga Nairobi ee aagga Ruai.
Sida uu sheegay taliyaha booliiska, meydka waxaa aqoonsatay haweeney waraabinaysay khudaarteeda oo ku taallo beer webiga agtiisa ah.
Qoyska Mutumwa ayaa warbixin u soo gudbiyey saldhigga booliiska ee Athi River 3 maalmood ka dib markii la waayay wiilkooda.
Kanja ayaa shaaca ka qaaday in meydka Mutumwa uu ahaa mid aan la aqoonsan ilaa shalay kadib markii baaritaanno la sameeyay lagu ogaaday in meydka la geeyay goobta meydadka ee City mortuary uu yahay midka Justus Mutumwa.
Kanja oo caddeeyay arrintan ayaa ku tilmaamay warbixinnada warbaahinta ee sheegaaya in meydka Mutumwa markii ugu horreysay shalay la helay ay yihiin kuwa khaldan oo marin habaabin ah.
Taliyaha booliiska ayaa sidoo kale bayaankiisa waxaa uu shacabka ugu xaqiijiyay sida ay adeegga qaran ee booliiska ee NPS uga go’an tahay in ay baaraan dhammaan kiisaska afduubka ee laga soo tabiyay dalka.