Maraykanka iyo Shiinaha oo Rwanda ku cambaareeyay taageeridda fallaagada M23

0
288

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku boorriyay madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, inuu xaqiijiyo xabbad joojin degdeg ah oo ka dhaqan gasho Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC.
Fallaagada M23 ee dowladda Rwanda lagu eedeeyo in ay garab siiso ayaa lagu soo warramayaa in ay qabsadeen ku dhawaad guud ahaan magaalada Goma, oo ah magaalada ugu weyn bariga DRC.
Hoggaamiyeyaasha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa horay u cambaareeyay taageerada Rwanda ee fallaagada, waxayna ku baaqeen wada hadal nabadeed si loo so afjaro colaadda.
Saraakiisha Congo ayaa sheegay in rabshadaha ka socda magaalada Goma ay xayireen shaqaalaha gargaarka, ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay halka ay sababeen in biyo, cunto iyo koronto la’aan ay wajahaan dadka rayidka ah.
Toban iyo toddobo ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midooba , ayaa sidoo kale la dilay.
Dhanka kale, caasimadda DRC ee Kinshasa, ugu yaraan toban safaaradood oo ajnabi ah ayaa la burburiyay, waxaana bililiqeystay dad dibadbaxayaal ah oo ka careysan cadaadis aan la saarin Rwanda si ay u joojiso taageerada M23 ee loo tiiriyo in kastoo ay iska fogeysay.