Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa walaac xooggan ka muujisay go’aanka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku joojinayo maalgelinta barnaamijyada HIV AIDS-ka ee dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah.
Sida laga soo xigtay WHO, joojinta maalgelinta ayaa waxaa ay saameyn ku leedahay barnaamijyada bixiya helitaanka daaweynta HIV-ga ee naf-badbaadinta in ka badan 30 milyan oo qof oo adduunka oo dhan ah.
Tani ayaa sidoo kale awood u leh inay halis geliso malaayiin ruux.
Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in 39.9 milyan oo qof ay la noolaayeen HIV dhammaadkii sanadkii 2023-kii.
WHO ayaa intaasi ku dartay in joojinta maalgelinta ay horseedi kartaa kor u kaca caabuqyo cusub iyo dhimasho.
WHO ayaa ka digtay in joojin maalgelineed oo daba dheeraato ay dib u celin karto horumarka tobanaan sano ee la dagaallanka AIDS, taasoo addunka dib ugu celinayso 1980-meeyadii iyo 1990-meeyadii oo malaayiin ay u dhinteen cudurkan dhilaaga ah sannad kasta.