Guddoomiyaasha ismaamullada dalka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay inay dowladda dhexe garab ku siiyaan fulinta mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee muhiimka ah.
Waxaa mashaariicdan ka mid ah dhisidda guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo ee ay dowladda ku howlan tahay , wax soo saarka beeraha , fursadaha tababarka, shaqooyinka tooska ah iyo kuwa aan tooska ahayn, isbedellada waxbarashada iyo caafimaadka.
Kal-fadhiga caadiga ah ee 26-aad ee arrimaha miisaaniyadda iyo dhaqaalaha ee golaha labada heer ee dowladda oo uu guddoominayay madaxweyne ku xigeenka Kenya Prof. Kithure Kindiki ayay barasaabyada arrintan shaaca uga qaadeen.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayaa ah wanaajinta dhaqaalaha qaranka iyadoo la abuuraya fursado shaqo.
Sidoo kale , waxaa laga heshiiyay tabashadii ismaamullada ee ku aaddanayd in maareeyaha miisaaniyadda dowladda Dr. Margaret Nyakang’o ay u diiday in ay sii wadaan deeqaha waxbarasho.
Dowladaha ismaamullada ayaa sidoo kale sheegay in ay mudnaanta siin doonaan bixinta deymaha lagu leeyahay iyo mushaaraadka shaqaalaha.
Home Wararka Kenya Barasaabyada oo sheegay in ay dowladda dhexe ku taageerayaan fulinta mashaariicda