Madaxweynaha dalka kenya William Ruto ayaa maanta u ambabaxay waddanka Tanzania.
Waxaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ku sagootiyay ku xigeenkiisa Prof. Kithure Kindiki.
Ruto ayaa magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania uga qayb galaya kulanka madaxda Afrika ee arrimaha tamarta.
Waxaa shirka si wadajir ah u marti gelinaya dowladda Tanzania , Midowga Afrika , Bangiga horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka.
Madashan ayaa ah mid dowladaha , mas’uuliyiinta waaxyaha gaarka ah, ururrada bulshada iyo saaxiibbada dhanka horumarka ay ku dardargelinayaan hiigsiga ah in ka hor 2030-ka adeegga korontada la gaarsiiyo ilaa 300 oo milyan oo qof.
Ku dhawaad 600 oo milyan oo qof oo ka mid ah dadka ku nool qaaradda Afrika ayaan hadda haysan adeegga korontada waxayna tani u dhigantaa boqolkiiba 83 ee gaabadka dhanka helidda korontada ee ka jira caalamka.
Bishii Afaraad ee sanadkii hore ayay ahayd markii Bangiga horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka ay shaaciyeen hiigsigan.