Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa ee EACC ayaa sanad maaliyadeedkii 2023/2024-kii loo soo gudbiyay kiisas la xiriira musuqmaasuqa oo dhan 5,171 .
Guddoomiyaha guddigan David Oginde ayaa xilli uu warbixin ku soo bandhigayay xaruntooda dhexe ee Integrity Center ee magaalada Nairobi shaaca ka qaaday in wadar ahaan 534 kiis kuwaas oo 25 ka mid ah ay yihiin kuwa sameeyn weyn leh ay hadda ku hayaan baaritaanno.
Sida warbixinta lagu sheegay, kiisas dhan 11 ayaa la soo gabagabeeyay taasoo keentay in dib loo soo celiyo hanti qiimaheedu yahay 2.9 bilyan oo shillin oo lagu xadi lahaa siyaabo musuqmaasuq ah.
Guddiga EACC ayaa xusay in heerka xukunnada ay yihiin boqolkiiba 26.7 iyada oo 45 kiis oo horay ay maxkamadda ugu gudbiyeen lagu soo gabagabeeyay in 12 ka mid ah dembiyo lagu helay , 24 wax dembi ah lagu waayay halka 9 kiisna meesha laga saaray.
Sidoo kale baarista 126 kiis oo ku saabsan dambiyada musuqmaasuqa iyo dhaqaalaha iyo 56 kale oo ku saabsan ku xad-gudubka cutubka 6-aad ee dastuurka ayaa la soo gabagabeeyay oo loo gudbiyay xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka si dadkaasi loogu soo oogo dacwad.
Intaasi waxaa dheer in ay jiraan 221 kiis oo dambi ah oo maxkamadda hor yaalla.
Madaxa fullinta ee EACC Cabdi Maxamuud ayaa ku nuux-nuux saday hadalka Oginde oo hoosta ka xarriiqay in laaluushka uu yahay fududeeyaha ugu muhiimsan ee musuqmaasuqa marka loo eego noocyada kale ee ay ka midka yihiin lunsashada hantida dadweynaha, ku takri falka awoodda xafiiseed iyo daneysiga.