Wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Opiyo Wandayi ayaa hoosta ka xarriiqay in uunan dhaliil u jeedin karin maamulka dowladeed ee uu ka tirsan yahay sida ay ka filayaan xubnaha ODM.
Waxaa uu ismaamulka Siaya ka sheegay in shakhsiyaadka doonaya in ay dhaliilaan Kenya Kwanza aynan jirin cid ka hor taagan.
Wasiirka ayaa xusay inuu diyaar u yahay in waxqabadkiisa lagula xisaabtamo balse aynan mas’uuliyadiisa ahayn sidoo kalena aan laga filan karin inuu farta ku fiiqo xukuumadda jirta.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii barasaabka dowlad deegaanka Siaya James Orengo uu siyaasiyiinta ODM kula taliyay in ay mowqifkooda ku adkaadaan oo xita haddii ay xubno ku leeyihiin dowladda aynan keliya amaanteeda xoogga saarin.