Dambi baarayaasha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xiray shaqaale ka tirsan shirkadda Korontada dalka ee KPLC.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Joshua Wasakha Wangeni, ayaa la qabtay kaddib markii uu ka codsaday nin ka shaqeeya bakhaarada alaabta la dhigo ee magaalada Nairobi lacag dhan 300,000 oo shillin si uu dib ugu xiriiriyo korontadii uu horay uga jaray.
Sida laga soo xigtay EACC-da ,Wangeni ayaa markii dambe kula gorgortamay dhibbanaha in uu bixiyo 200,000 oo shillin halka uu dhibbanaha arrintan ku wargaliyay guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa.
Saraakiisha EACC ayaa gacanta ku dhigay tuhmanaha xilli uu qaadanayay lacagta laaluushka ah.
Waxaa lagu xiray saldhigga booliiska ee Kilimani ka dibna dammaanad ayaa lagu sii daayay inta laga soo gabagabeynayo baaritaanka ka dhan ah.