Baarlamaanka oo ansixiyay in sanadkan ismaamullada la siiyo 405 bilyan oo shilin

0
121

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay bayaanka xeerka miisaaniyadeed kaasi oo dhigaya in sanad maaliyadeedkan, ismaamullada lagu wareejiyo lacag dhan 405 bilyan oo shilin.
Waxaa warbixinta ku xusan in dowlad deegaannada sidoo kale loo qoondeyn doono 69.8 bilyan oo dheeraad ah.
Mudanayaasha ayaa qiimaha miisaaniyadda ee 2025/2026-ka ku jaangooyay 2.5 Tiriliyoon oo shilin.
Waxaa uu qorshuhu yahay in golaha fulinta ee dowladda la siiyo 2.4 Tiriliyoon, baarlamaanka (49.5 bilyan) halka waaxda cadaaladda loogu talagalay 26.7 bilyan.
Sidoo kale , xildhibaannada ayaa ansixiyay in sanduuqa deegaannada la iskula simo dhanka horumarka ee Equalization Fund loo qoondeeyo 7.9 bilyan oo shilin .
Baarlamaanka ayaa meel mariyay in hindiseyaasha dadweynaha looga qayb geliyo barnaamijyada dowladda si ay aragtidooda ugu biiriyaan in lagu maareeyo dhaqaale dhan 3 bilyan halka xafiiska hanti dhowraha guud ee dalka loo qoondeeyay 8.7 bilyan.