Kooxo burcad ah oo hal qof ku dilay waqooyiga Baringo

0
98

Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay deegaanka Ng’aratuko ee deegaanka Saimo Soi ee waqooyiga ismaamulka Baringo ka dib markii ay kooxo hubeysan ku toogteen gurigiisa.
Isagoo xaqiijinaya dhacdada, madaxa deegaanka Loruk Samwel Kamuren ayaa sheegay in burcadda hubaysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen guriga Joshua Kiptoo, , saqdii dhexe ee xalay, iyagoo isku dayaya inay galaan aagga lo’da si ay u dhacaan.
Burcada ayaa la sheegay in ay xoolahiisa kala baxeen meel wax ka yar 100 mitir u jirta hoygiisa.
Laamaha amaanka oo aagaasi gaarey ayaa la sheegay in ay dib u soo celiyeen xoolaihii la dhacay.
Baaritaano horudhac ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Meydka Kiptoo ay xabad kaga haleeshay madaxa iyo gacanta bidix.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalin uun ka dib markii kooxaha ammaanka ee ismaamulkaasi ay ku guulaysteen inay dib u soo helaan 47 neef oo lo’ ah oo ay horay u dhaceen burcad hubaysan oo dhibaato ka geystay deegaanka Ng’aratuko.
Xiisada ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay deegaankaasi, iyadoo dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan kooxaha burcadda ah.