Hindise sharciyeed lagu doonaya in EACC ay lahaato awoodo dheeraad ah

0
267

Waxaa baarlamaanka dalka hor yaalla hindise sharciyeed haddii la meel mariyo awoodo dheeraad ah siin doono guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC-da.
Waxaa awoodahan ka mid ah in guddiga uu baari karo akoonnada bangiyeed,xisaabaadka lacagta ee taleefoonnada gacanta ama diiwaanka xogta wicitaannada.
Hindise sharciyeedkan oo ay soo saartay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dorcas Oduor, ayaa lagu doonayaa in wax looga beddelo xeerka la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dambiyada dhaqaalaha si guddiga EACC uu u helo awoodo dheeraad ah marka la baarayo kiisaska la xiriira wax isdabamarinta.
Sharcigan ayay markii hore EACC-da ku baari jirtay dhismayaasha eedeysanayaasha iyadoo la adeegsanaya oggolaansho oo lagu daba jiro hanti mise xog uunan tuhmanaha u soo bandhigin guddiga.
Guddiga, ayaa sidoo kale codsan kara soo saarista dokumeentiyada lagu furay akoonka bangiyeed ee eedeysanaha ,dokumeentiyada wax kala iibsiga, buugaagta bangi iyo macluumaad kasta oo khuseeya baaritaanka.
Dorcas Oduor ayaa doonaysa in markhaatida lagu qasbo in ay ixtiraamaan EACC marka loo yeero iyaga oo tagaya xafiisyada guddiga ama saldhigga booliiska si ay u bixiyaan macluumaadka la xiriira baaritaanka.
Hindise sharciyeedkan ayaa sidoo kale dhigayaa in markii qofka la xukumo uu mutaysanayaa ganaax aan ka badnayn 300,000 oo shillin ama xabsi aan ka badnayn saddex sano ama labadaba.
Haddii la ansixiyo soo jeedintan waxaa agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka looga baahan doonaa inuu saddexdii biloodba baarlamaanka u gudbiyo warbixin ku saabsan inta kiis oo musuqmaasuq la xiriira oo guddiga uu soo gudbiyay iyo natiijooyiinkooda.
Haddi uu agaasimaha ka noqdo kiiska ama uu ku guul dareysto in uu billaabo dacwad oogista ka dib marka uu helo warbixinta EACC, waxaa markaasi laga rabaa in uu faahfaahiyo sababaha.
Hindise sharciyeedka ayaa hadda maraya ka qayb galka dadweynaha iyadoo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ay ka codsatay in Kenyanka ay soo gudbiyaan aragtidooda iyaga oo isticmalaaya email-ka rasmiga ah ee amendmentbill2025@ag.go.ke ugu dambeyn 14-ka bisha Labaad ee February ee sanadkan.