Xoolo dhaqatada ku nool ismaamullada Kajiado iyo Samburu ayaa dowladda dhexe ka codsaday in ay faahfaahin dhameystiran ka siiso qorshaha ay sanadkan ku tallaalaysa ilaa 22 milyan oo xoolo ah.
Waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan qorshaha dowladda balse ay door bidayaan in wacyigelin loo sameeyo si ay u fahmaan cudurrada laga tallaalaya xoolahooda.
Wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka ayaa dhankeeda qoraal ku sheegtay in ololaha tallaalka xoolaha uu yahay mid laga fulin doono guud ahaan waddanka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in tallaal tijaabo ah 6-dii bilood ee ugu dambeeyay laga sameeyay ismaamullada Kitui, Tharaka Nithi, Embu iyo Wajeer.
Wasaaradda ayaa xustay in tani ay xoolo dhaqatada u furi doonto suuqyada maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.
Xoghayaha waaxda xanaannada xoolaha ee dalka Jonathan Mueke oo sheegay in barnaamijkan lagu billaabi doono bixinta tallaal dhan 1.3 milyan ayaa faahfaahiyay tijaabooyinka ay ilaa iyo hadda sameeyeen iyo waxa uga soo baxay.