Dhacdo xanuun badan ayaa laga soo tabiyay tuulada Nyathuna ee degmada Kabete ee ismaamulka Kiambu kadib markii laba nin ay ku naf waayeen ceel biyood dhererkiisu yahay 36 mitir ama 120 feet.
Musiibadan ayaa dhacday markii nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ian oo la sheegay in uu la dagaallamayay niyad jab xoogan uu damcay in uu nafta is dhaafiyo oo uu isku tuuray ceelka.
Adeerkiis oo lagu magacaabo Robert Ngugu ayaa isku dayay inuu soo badbaadiyo balse isku daygiisa ayaa mid murugo kale daliyay maadama ay labadooda bo ay ku geeriyoodeen ceel gudahiisa ogsijiin la’aan.
Meydadka labada qof ee dhintay ayaa laga soo saaray ceelka waxaana loo qaaday qolka meydadka ee isbitaalka Kikuyu.
Mas’uuliyiinta ayaa tan iyo markii uu falkaan dhacay bilaabay baaritaano ku aadan dhacdadan.