Mudavadi oo Gachagua ugu baaqay inuu joojiyo dhalleeceynta dowladda

0
246

Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa hadal caro leh u jeediyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddanka Rigathi Gachagua.
Waxaa uu ka dalbaday in Gachagua uu joojiyo weerarka afka ee aan kala joogsiga lahayn ee ka dhanka ah dowladda taasi beddelkeedana uu diiradda saaro danihiisa.
Hadalkan ayuu ka jeediyay isu soo bax shalay ka dhacay ismaamulka Kakamega .
Mudavadi oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabka ku dhuftay in dadka Kenyaanka ah looga baahan yahay in ay qaataan qorshaha horumarineed ee Kenya Kwanza ayna ka waantoobaan in ay oggolaadaan siyaasadda isdiidan ee shakhsiyaadka xilka qaadista lagu sameeyay ee aan fursad u heleyn qabashada xil dadweyne.
Musalia Mudavadi oo sidoo kale ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka ayaa shacabka kula taliyay in ay sharciga eegaan oo ay u adeegsadaan si xikmadeysan ka hor inta aysan siyaasiyiinta u ballan qaadin taageero.

Tan iyo markii xilka laga xayuubiyay madaxweynihii hore ee waddanka Rigathi Gachagua bishii Tobnaad ee sanadkii 2024-kii waxaa uu aad u dhaliilayay maamulka madaxweyne William Ruto.