Wasaaradda caafimaadka oo Baaq u dirtay waalidiinta

0
273

Xoghayaha guud ee caafimaadka dadweynaha Mary Muthoni ayaa ugu baaqday waalidiinta inay gabdhahooda ka talaalaan fayraska ku dhaca biniaadamka ee loo yaqaano (HPV).
Muthoni ayaa shalay sheegtay in bisha Janaayo oo ah bisha wacyigelinta cudurka kansarka ilmo-galeenka ay dowladda ay ka go’an tahay inay hubiso in dhammaan gabdhaha da’doodu ka yar tahay 15 sano ay helaan tallaal si looga ilaaliyo HPV, kaasoo sababi kara kansarka ilmo-galeenka.
Waxa ay xustay in wasaaradda caafimaadka ay bilowday olole wacyigelin ah oo waalidiinta lagu dhiirigelinayo in carruurtooda la tallaalo.
Muthoni ayaa carabka ku dhufatay in baaritaanka caadiga ah ee kansarka ilmo-galeenka lagu ogaan karo isbeddella hore, iyada oo ugu baaqay haweenka da’doodu u dhaxayso 25 iyo 50 sano in laga baaro kansarka ilmo-galeenka shantii sanaba hal mar.
Muthoni ayaa sheegtay in loo baahan yahay baaritaan joogto ah oo lagu ogaanayo goor hore si qofka uu u bilaabo daawaynta waqti wanaagsan marka laga helo cudurka kansarka.
Mary Muthoni ayaa hadalkan jeedisay xili ay ku sugneed Kaniisada Mung’ang’a ACK ee ku taal deegaanka Mathigaini ee ismaamulka Kirinyaga.