Isku socodka dadka iyo gaadiidka ee isticmaala wadada Jogoo Road ee magaalada Nairobi ayaa hakad ku yimid saacado badan kadib markii dadka ku nool xaafada Mbotela ay dhigeen mudaaharaadyo ay kaga soo horjeedaan burburinta lagu sameeyay guryahooda iyo goobahooda ganacsi.
Boqolaal ka mid ah dadka deegaanka oo u badan dumar ayaa wadadas dhax jiiftay si ay dareenkooda u muujiyaan.
Burburintan ayaa dad badan oo xaafada ah ka dhigtay hoy la’aan halka milkiilayaasha ganacsiyada ay sheegeen in ay la kulmeen khasaaro malaayiin ah.
Pauline Nyawira iyo John Weru oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka hadlay sababta ay wadada u xireen.
Dadka deegaanka ayaa dalbanaya in mas’uuliyiinta ay soo faragaliyaan arrintan si cadaalad ahna loo xaliyo.