Sarkaal ka tirsan KUPPET oo ka digay in macallimiinta loo hanjabo

0
92

Sarkaalka fulinta ee ururka macallimiinta ee KUPPET ku matalo ismaamulka Migori ,Mr.Samwel Orwa Jasolo ayaa walaac ka muujiyay in qaar ka mid ah daneeyayaasha arrimaha waxbarashada ay u hanjabayaan macallimiinta ay dugsiyadooda imtixaankii KCSE-da ee sanadkii hore ka soo hooyeen natiijooyin hooseeya.
Jasolo ayaa intaasi ku daray in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Migori ay ku hanjabeen in ay shaqada ka eryi doonaan maamulayaal.
Waxaa uu xusay in aan arrintan loo dulqaadan karin maadaama ay tahay mid lagu cabsi gelinaya barayaasha.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in maamulaha dugsiga sare ee Kibuon loogu goodiyay in xaruntaasi uunan sii maamuli doonin in kastoo uunan muddo badan xilkaasi hayn.
Jasolo ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in macallimiinta iyo maamulayaasha fursad loo siiyo in ay gutaan waajibaadka saaran.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in bulshooyinka laga doonaya in ay wanaajiyaan waxbarashada carruurtooda oo aynan carada la xiriirta natiijada xumada ardayda kala dul dhicin maamulayaasha dugsiyada sare.