Dab xalay saameeyay jaamacadda Nairobi oo la baaraya sababtii ka dambeysay

0
215

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa billaabay baaritaanno la xiriira sababtii keentay inuu xalay saqdii dhexe dab ka kacay jaamacadda Nairobi .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka uu saameeyay qaybo dhowr ah oo jaamacadda ka tirsan.
Taliyaha saldhigga booliiska ee bartamaha Nairobi Stephen Okal, ayaa laga soo xigtay in dabka uu dib u billowday abaare 5-tii aroornimo ee maanta.
Waxaa uu xusay in saraakiisha waaxda dab damiska ay ku guulaysteen in ay damiyaan.
Okal ayaa sheegay in aan la soo tabin cid dhacdadaasi ay waxyeello ka soo gaartay.
Wuxuu xusay in aan weli la ogaan sababta rasmiga ah balse ay socdaan baaritaanno xaqiiqo raadin ah.