Dowladda oo racfaan ka qaadatay go’aan ka dhan ahaa hannaanka maalgelinta jaamacadaha

0
101

Sanduuqa lacageed ee jaamacadaha dalka iyo guddiga bixiya amaahda tacliinta sare ee (HELB) ayaa racfaan ka qaatay go’aan uu horay u soo saaray garsoore Chacha Mwita.
Xaakinka oo ka howlgalo maxkamadda sare ee waddanka ayaa sharci darro ku tilmaamay hannaanka maalgelinta waxbarashada jaamacadaha waddanka.
Go’aanka maxkamadda ayaa lagu tilmaamay mid hakad gelin kara habsami u socodka tacliinta jaamacadaha maadaama aan xilliga habboon ardayda lagu wareejin karin lacagaha ay dowladdu ugu talagashay.
Sanduuqa lacageed ee jaamacadaha dalka iyo guddiga bixiya amaahda tacliinta sare ee (HELB) ayaa doodooda racfaanka ah ku xusay in garsoore Mwita uu sameeyay qalad dhanka sharciga iyo xaqiiqada jirta ah.
Madaxa fulinta ee sanduuqa lacageed ee jaamacadaha dalka ,Geoffrey Monari ayaa warqad dhaarasho ah oo uu maxkamadda geeyay ku sheegay in dadweynaha ay si wayn uga qayb geliyeen nidaamkan ka hor inta aan la daahfurin.
Waxaa uu xusay in barnaamijkan uu yahay mid diiradda saaraya xaqiijinta sinnaanta marka loo barbardhigo hannaankii hore.
Sii hayaha xilka madaxa fulinta ee guddiga amaahda tacliinta sare ee dalka ee HELB ,Mary Muchoki, ayaa dhankeeda xustay in ay ku adkaatay in ay soo saaraan lacagaha ardayda looga kabo bixinta qarashaadka waxbarashada xarumaha sare.
Waxaa horay barnaamijkan dowladeed uga soo horjeestay oo dacwad ka dhan ah maxkamadda u gudbiyay isbeheysiga ka shaqeeya wanaajinta arrimaha waxbarashada ee Elimu Bora Coalition iyo guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka ee KHRC.
Garsoore Chacha Mwita ayaa dowladda ka dalbaday in ay u hoggaansanto waxyaabaha dastuuriga ah ee loo baahan yahay si maalgelinta waxbarashada jaamacadaha aan looga dheehan takoor iyo sinaan la’aan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in racfaanka ay gudbisay dowladda ay dhageystaan saddex garsoorayaal oo uu soo xuli doono madaxa maxkamadda racfaanka ee dalka.