Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dejisay labo muwaadin oo Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamuud Cali iyo Sharma’arke Nuur Cabdi Aadan, raggan ayaa laga soo badbaadiyay badweynta Hindiya.
Markab laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa muwaadiniintan ka soo badbaadiyay badda, ka dib markii ay ciladowday dooni ay ku kalluumeysanayeen, muddo 24 maalmood ah ayay ku jireen badda, iyadoo doonta ciladeysan ay hadba dhinac la aadeysay.
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo ka war heshay xaaladda labadaas muwaadin ayaa la xiriirtay Kaptanka Markabkii badbaadiyey muwaadiniintaan, waxaana suurtagashay in gurmad loo fidiyo, iyadoo ugu dambeyntii laga soo dejiyey Muqdisho.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Hodan Cismaan ayaa tallaabadan uga mahadcelisay dowladda Shiinaha.
Ibraahim iyo Sharma’arke oo ka warbixiyeen marxaladihii ay soo mareen ayaa sheegay in markii ay doontu ka ciladowday ay ka kalluumeysanayeen xeebaha magaalada Muqdisho, dabaysha ayaa laashka u qaaday gudaha badweynta Hindiya, waxayna ku qaadatay 25 cisho oo cunto iyo biyo aysan helin, sida lagu sheegay warbixinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha.
10-kii bishan ayaa Shiinaha la geeyey Ibraahim iyo Sharma’arke, iyagoo shalay laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo garoonka Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.