Dambi baarayaasha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga dhigay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray dowladda ismaamulka Kisumu.
Nick Odhiambo Migot oo ah agaasimihii hore ee warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda ee ismaamulka Kisumu ayaa lagu eedeeyay inuu sameystay shahaado waxbarasho oo been abuur ah oo uu ku shaqeynayay muddo saddex sano ah.
Afhayeenka EACC-da Eric Ngumbi ayaa xaqiijiyay xarigga mas’uulkan hore isagoo sheegay in Migot uu adeegsaday shahaadada dugsiga sare ee KCSE-da iyo midda jaamacadeed oo labaduba faalis ah.
Waxaa eedeysanaha u suurtagashay in muddadii uu shaqeynayay uu sidatan ku helay mushaar marka la isku geeyo dhan 4,656,211 oo shilin.
Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC-da ayaa baaritaan uu sameeyay ka dib kiiskan u gudbiyay agaasimaha waaxda dacwad oogidda ee dalka kaas oo eedeysanaha ku soo oogay afar dacwadood.
Waaxda dacwad oogidda waddanka ayaa door bidday saddex dacwadood oo la xiriira been abuur oo ka soo horjeeda qodobbada 345 iyo 349-aad ee xeerka ciqaabta.
Tuhmanaha ayaa haatan ku xiran saldhigga dhexe ee magaaladda Kisumu, waxaana maxkamadda la soo taagi doonaa maanta oo Arbaco ah.
Home Wararka Kenya Agaasimihii hore ee warfaafinta ee Kisumu oo loo xiray adeegsiga shahaado faalis...