Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar ahna wasiirka arrimaha dibadda Sheekh Maxamad bin Cabdulraxmaan bin Jassim Al Thani ayaa Israa’iil iyo Xamaas ugu baaqay in ay gaaraan heshiis xabbad joojin oo degdeg ah.
Waxaa uu sheegay in kastoo wada hadallada Dooxa ay si habsami leh u socdaan in haddana aan weli la saxiixan is-afgarad kama dambeys ah.
Qatar ayaa intaasi ku dartay in hadda marka lala barbardhigo bilooyinkii hore, in aad loogu dhow yahay heshiis la gaaro.
Xukuumadda Dooxa ayaa tilmaantay in caqabado badan oo horay ugu xeeranaa wada xaajoodyada la iska qalbi qaboojiyay.
Wafdi matalaya ururka Xamaas ee dalka Falastiin oo sidoo kale la kulmay Amiirka Qatar ayaa xusay in wada xaajoodyada dhexdhexaadinta ay si wanaagsan u socdaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shacabka Qaza ay isugu jiraan kuwo rajo muujinaya iyo kuwa tuhunsan geeddisocodka wada hadallada nabadeed.