Senatarka Kisii oo siyaasiyiinta ugu baaqay in ay ka fiirsadaan hadalladooda

0
228

Senatarka ismaamulka Kisii Richard Onyonka ayaa ku eedeeyay wasiirka wasaaradda macdanta, kheyraadka iyo arrimaha badaha ee dalka Xasan Cali Joho iyo xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa Faarax Macallin inay aad uga durugsan yihiin waxyaabaha saameynta ku leh kenyaanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyiintan si aan ka fiirsasho lahayn ay hadallo laga wanaagsan yahay uga jeediyaan goobaha fagaaraha ah gaar ahaan kiisaska afduubka ah ee laga soo tabiyay qaybo ka mid ah dalka.
Xilli uu saaka u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu senatarka sheegay in madaxdan ay ku guuldareysteen in ay fahmaan jawiga guud ee hadda jira islamarkaana ay tahay inay ka adkaadaan carrabkooda marka lagu saleeyo waaya aragnimadooda hoggaamineed.
Onyonka ayaa xusay in hormuudka siyaasadda ay tahay in ay u fiirsadaan waxa ay muwaadiniintu dalbanayaan oo ay soo bandhigaan hoggaan hufan.
Arrintan ayaa timid ka dib markii Joho iyo Faarax Macallin ay jeediyeen hadallo ka dhan ah dadka dhaliilsan maamulka madaxweyne William Ruto.
Senetarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa dhankiisa sheegay in aqalka senate-ka uu u yeeri doono wasiir Joho si uu u caddeeyo hanjabaadaha ka dhanka ah dhallinyarada ee lala xiriiriyay.