Ugu yaraan 40 beeraley ah oo lagu dilay Nigeria

0
140

Sarkaal ka tirsan dowladda dalka Nigeria ayaa sheegay in dagaalyahannada jihaad doonka ah ay ugu yaraan 40 qof oo beeraley ah ku dileen gobolka Borno ee waqooyi bari ee waddankaasi.
Usman Tar oo ah guddoomiyaha warfaafinta ee gobolka Borno ayaa xusay in dagaalyaahanno ka tirsan ururka la magac baxay dowladda islaamiga ah ee gobolka Galbeedka Afrika ee ISWAP ay beeraley badan oo ku sugnaa deegaanka Dumba oo ku taalla xeebta harada Chad toogasho ku dileen.
Waxaa uu  carrabka ku dhuftay in dad badan oo ka baxsaday weerarka la raadinaya si ay dib ula midoobaan qoysaskooda.
Maamulka gobolka ayaa ku amaray ciidamada dagaalka kula jira dagaalyahaannada inay dabagal ku sameeyaan oo ay baabi’iyaan fallaagada ka howlgala agagaarka Dumba iyo deegaannada ku xeeran aagga ballaaran ee harada Chad sida uu sheegay Usman Tar.
Harada Chad, oo isku xirta Nigeria, Niger, Cameroon iyo Chad ayay kooxaha Boko Haram iyo ISWAP u adeegsadaan saldhigyo iyo gabbaad ay weerarro kaga soo qaadaan dalalkasi.