Nin lagu dilay ismaamulka Kisumu

0
272

Waxaa ismaamulka Kisumu ku geeriyooday nin 23 sano jir ahaa oo lagu magacaabo Edward Otieno Oyuru.
Otieno ayaa jirdil loo gaystay ka dib muran ka dhashay gaari gacan la isku haystay.
Ford Rakwach ayaa lagu eedeyay inuu dilka Otieno ka dambeeyay.
Taliyaha booliiska ee deegaanka bariga Kisumu Edward Masivo ayaa xaqiijiyay dhacdadan isagoo sheegay in tuhmanaha uu ka baxsaday tuulada Orongo oo si wayn loogu daba jiro.
Edward Otieno Oyuru ayaa ka doontay gaari gacankiisa guriga Ford taasi oo sida la sheegay ka careysiisay Rakwach.
Booliiska ayaa sheegay in Edward uu horay ula shaqeeyay eedeeysanaha si uu uga caawiyo dhismaha guri wuxuuna kaga tagay gaari gacankiisa guriga eedaysanaha.
Edward ayay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen madaxa kuwaas oo uu u dhintay ka dib markii la geeyay isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga si loo daweeyo.