DHAGEYSO:Labo sarkaal oo ka tirsan waaxda caafimaadka Kilifi oo la xiray

0
248

Labo sarkaal oo ka tirsan waaxda caafimaadka ee ismaamulka Kilifi ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyay in ay daawooyin iyo qalab caafimaad ka xadeen isbitaalka guud ee Bamba ee deegaanka Ganze.
Wasiirka caafimaadka ee ismaamulka Kilifi Peter Mwarogo ayaa warbaahinta u sheegay in daawooyinka laga soo qabtay xarun daawooyiinka lagu iibiyo oo si gaar ah loo leeyahay oo ku taalla deegaankasi.
Sida laga soo xigtay wasiirka, booliiska ayaa qaaday tallaabo degdeg ah si ay gacanta ugu soo dhigaan labada qof.
Waxaa uu intaasi ku daray in daawooyiinkan uu qiimahooda dhan yahay 100,000 oo shilinka dalka ah, isla markaana ay dadka u adeegi lahaayeen muddo bil ka badan.

Taliyaha booliiska ee deegaanka Waqooyiga Kilifi Kenneth Maina oo arrintan xaqiijiyay ayaa shacabka ku bogaadiyay sida ay u soo sheegeen dhacdadan xilligii lagu guda jiray uruurinta daawooyinkan.
Maina ayaa xusay in labada qof ee la xiray lagu wado baaritaano si loo soo qabto mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ismaamulkaasi oo ku lug lahaa xatooyada daawooyiinka dowladda.

Waxaa la filayaa in labada eedeysanayaal berri la soo taago maxkamadda.