Wakaaladda rasmiga ah ee wararka dowladda Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in rasaas ay rideen ciidamada Israa’iil lagu dhaawacay labo qof oo dhallinyaro ah.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay magaalada Jaba , Koonfurta magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa isbitaalka geeyay wiilasha dhaawaca ah oo ay da’oodu tahay 15 iyo 13 sano.
Waxay sheegeen in da’yarta lala eegtay rasaas nool ka dib markii ay ciidamada difaaca ee Israa’iil ay saaka gudaha u galeen magaaladaasi.