Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa sheegay in tartanka uu ugu jiro qabashada xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da uunan ahayn mid isaga uga dhigan geeri mise noolol.
Odinga ayaa xusay in haddii uu ku guulaysan waayo jagada guddoomiyaha, uu diyaar u yahay in uu ku soo laabto dalka si uu u sii wado howlihiisa siyaasadeed ee Kenya.
Hasa ahaate , waxaa uu muujiyay kalsooni ku aaddan inuu loollanka ku soo bixi doono.
Mr. Odinga ayaa intaasi ku daray inuu diyaar u yahay u adeegidda qaaradda Afrika.