Madaxweynaha dalka oo dhiggiisa Soomaaliya kula kulmay Kampala

0
243

Madaxweynaha dalka William Ruto iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wada kulmay caasimadda waddanka Uganda ee Kampala oo ay uga qayb galeen barnaamijka horumarka baahsan ee beeraha ee Afrika.
Ruto ayaa qoraal ku sheegay in Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhexeeya xiriir aad u wanaagsan oo dhanka dibloomaasiyadda ah.
Waxaa uu xusay in xiriirkan uu sii adkaatay tan iyo markii ay Soomaaliya sanadkii hore ku biirtay Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC-da.
Madaxweyne Ruto ayaa intaasi ku daray in labada waddan uu hadda ka dhexeeya ganacsi ka ballaaran sidii hore.
Hoggaamiyaha dalka ayaa tusaale u soo qaatay in 9-kii bilood ee ugu horreysay sanadkii 2024-kii ay Soomaaliya ka iibsatay Kenya badeecooyin uu qiimahoodu yahay 5 bilyan oo shilin.
Sidoo kale , waxaa uu xusay in labada dowladood iyo si guud waddamada gobolka ay sii wadi doonaan iskaashiga dhanka nabadgalyada iyo ammaanka si loo xaqiijiyo in xasillooni buuxda lagu soo dabbaalo Soomaaliya.