Guddiga PSC oo 109 qof u turxaan bixin doono xoghayeyaasha wasaaradaha

0
414

Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa soo saaray liis ka kooban 109 qof oo laga soo dhex xushay 2,517, kuwaasi oo soo dirsaday codsiyada la xiriira qabashada xilalka xoghayeyaasha wasaaradaha dowladda sare.
Guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee dalka Anthony Muchiri ayaa sheegay in jagooyinkan ay bannaanaadeen markii golaha fulinta ee dowladda uu sameeyay dib u howlgelin.
Waxaa liiska 109-ka qof ku jiro agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Patrick Amoth, xoghayihii guud ee hore ee ururka dhakhaatiirta waddanka ee KMPDU Dr. Ouma Oluga, David Osiany, Gabriel Oguda ,xildhibaan hore Wilson Sossion ,barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Anne Kananu, gudoomiyihii hore ee maamulka madaxa banaan ee kormeera howlaha booliiska ee (IPOA) Anne Makori, Micah Powon, Dr. Macharia Irungu oo u horay u soo noqday agaasimaha guud ee shirkadda dhuumaha shidaalka ee Kenya Pipeline.
Sidoo kale dadka isugu soo haray turxaan bixinta waxaa ka mid ah agaasimihii hore ee warbaahinta dowladda ee KBC Dr. Naim Bilaal, Danjire Galma Boru, madaxii hore ee fulinta ee guddiga qaran ee sayniska, tiknolojiyadda iyo hal-abuurka ee dalka Prof. Shaukat Cabdulrazak , Prof. Loice Maru ee jaamacadda Bomet, Cabdirashiid Salaad Cabdille oo xubin ka soo noqday golaha mushaaraadka ganacsatadda soo saara dharka iyo Dr. Erneo Nyakiba oo ah xubin ka tirsan guddiga maamulo isbitaalka wayn ee Moi .
Dadka la soo xulay ayaa mari doonaa wareysiyo aan taariikhda la qaban doono weli la shaacin.
Marka turxaan bixinta la sameeyo ka dib, waxaa liiska dadka ku soo baxo su’aallo waydiinta loo gudbin doonaa madaxweynaha dalka William Ruto si uu xilalka ugu magacaabo.
Dhanka kale, waxaa dadweynaha lagu boorriyay inay soo gudbiyaan xog kasta oo ku saabsan shakhsiyaadkan si loo xaqiijiyo in ay u qalmaan jagooyinka loo soo magacaabay iyo in kale.