1,000 ka mid ah dhallinyarada Kisii oo helay deeq ay ku baranayaan farsamada

0
352

Waxaa deeq waxbarasho oo la xiriirta culuunta farsamada helay 1,000 ka mid ah dhallinyarada ismaamulka Kisii.
Waxaa barnaamijkan iska kaashanaya dowlad deegaanka Kisii iyo laanta tabarucaadda ee bangiga KCB .
Deeqdan ayaa lagu maalgelinaya 50 milyan oo shilin.
Barasaabka Kisii Simba Arati ayaa sheegay in ay iskaashigan uga gol-leeyihiin in dhallinyarada ay helaan farsamo gacmeed kala duwan oo ay ku shaqeysan karaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tababarrada ay da’yarta qaadan doonaan ay ku saleysan yihiin dhismaha , wax soo saarka , korontada , ICT-da iyo hal-abuurka dhanka farshaxanka.