Waxaa dalka Mozambique dib ugu soo laabtay madaxa mucaaradka Venancio Mondlane oo waddankaasi iskaga cararay maalmo ka dib doorashadii sida adag loogu tartamay ee bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Waxaa codeynta xigay mudaaharaadyo ay dad badan ku dhinteen.
Mondlane ayaa sheegay in natiijada doorashada lagu shubtay, wuxuuna taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isugu soo baxaan waddooyinka guud ahaan dalkaasi oo ay ku nool yihiin ilaa iyo 35 milyan oo qof.
Booliiska ka hortaggo rabshadaha ayaa lagu arkay agagaarka garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee caasimadda Maputo halkaasi oo kumannaan qof ay isugu soo baxeen si ay ugu soo dhaweyaan Mondlane.
Goobjooge ayaa sheegay in sunta dadka ka ilmeysiisa lagu soo tuuray dadka.
Kooxda dabagalka bulshada rayidka ah ee Plataforma Decide ayaa sheegtay in ugu yaraan 278 qof ay ku dhinteen mudaharaadyada tan iyo bartamihii bishii Oktoobar.
Dibadbaxyada ayaa yimid ka dib markii guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen natiijada doorashada ee sii kordhisay muddo xileedka xisbiga Frelimo ee talada dalkaasi haya ku dhawaad 50 sano.